Xabad joojinta Allepo oo la rajaynayo

Lahaanshaha sawirka Getty

Ruushka ayaa sheegay inuu rajaynayo in xabad joojin lagu dhawaaqo saacado gudahood magaalada Aleppo (Xalab) ee Suuriya.

Isagoo hadlaya ka dib wadahadalo uu Moscow kula yeeshay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Suuriya, Wasiirka arriimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in dowladda Suuriya iyo mucaaradka ay isla shaqeeyaan si loogu helo xal dagaalka sokeeye ee socda shanta sano.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa sheegay inuu rajaynayo in heshiiska xabad joojinta inuu gogasha u sii xaari doono dib u bilaabida wadahadalada nabada ee Geneva.