Dad ku barakacay dab ka kacay Canada

Lahaanshaha sawirka Pipistrel Aircraft
Image caption Dadka qaxaya ayaa ah dhammaan dadkii degnaa magaaladaasi.

Dab xooggan ayaa ku khasbay ku dhawaad 60,000 oo qof in ay ka qaxaan magaalada Fort McMurray ee dalka Canada.

Dabka ayaa baabi’iyay guryo, iyadoo dambas uu qabsaday waddooyinka magaaladaasi ku taala gobolka Alberta.

Dadka deegaanka oo qaxaya ayaa buux dhaafiyay waddada weyn ee magaaladaasi ku xirta magaalada Edmonton.

Guryo ku yaala ilaa laba xaafadood ayuu dabka baabi’iyay, waxa uuna dabka haatan ku faafay waddada weyn ee magaalda ka soo gasha koonfurta.

Kooxaha dab damiska ayaa la tacaalaya holaca dabkaasi balse mas’uuliyiinta deegaanka ayaa codsaday gurmad sida diyaaradaha ay ku rakiban yihiin dhuumaha biyaha tuuraya.

Ilaa iyo haatan lama soo sheegin dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dabkaasi.