Man City oo ka hartay horyaalka Yurub

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Man City ayaa usoo bixi wayday finaalka horyaalka Yurub.

Kooxda Manchester City ayaa ku guuldareysatay in ay gaarto finaalka horyaalka Yurub, ka dib markii ay 1-0 ooga adkaatay kooxda Real Madrid, lugtii labaad ee ciyaarta nus dhammaadka.

Goolka Real ayaa dhashay ka dib markii kubad uu soo tuuray Gareth Bale uu sii saray Fernando oo Man City ka tirsan.

Manchester ayaa u baahneyd barbaro 1-1 ah si ay ugu gudubto ciyaarta kama dambeysta ah.

Difaaca Man City ee Vincent Kompany, ayaa garoonka ka baxay ka dib markii uu dhaawacmay ciyaarta oo 10 daqiiqo socota.

Real Madrid ayaa ciyaarta kama dambeysta ah dhammaadka bishan kula yeelan doonta kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Atletico Madrid.

Kulankaasi finaalka ah ayaa 28-ka bishan ka dhici doona garoonka San Siro ee magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.