Dagaal ka socda magaalada Xalab ee Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalka Xalab ka hor waxaa laga rajo qabay xabbad joojin halkaasi ka billaabata.

Hawlwadeena reer Suuriya ah ayaa sheegaya in magaalada Xalab uu dagaal ku dhex maraya xoogagga dowladda iyo kuwa mucaaradka, in kastoo horey loo soo jeediyay suurtagalnimada xabbad joojin deg deg ah oo halkaasi ka dhaqangasha.

Wararka ayaa sheegaya in tiro dad ah oo ka tirsan labada dhinac ay ku dhinteen dagaalkaasi oo galbeedka magaaladaasi ka billowday shalay oo talaada ahayd.

Wadahadal uu la yeeshay ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Suuriya kaddib ayaa wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov waxa uu sheegay in xabbad joojin ay ka dhaqan geli doonto magaalada Xalab muddo saacado ah gudahooda.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in uu wada xaajood ka yeesho dhibaatada ka taagan Xalab kaddib markii uu baaq uga yimid Britain iyo Faransiiska.