Turkida oo Yurub ku gali karta Fiisa la’aan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Turkiga horey wuxuu u doonayay in uu xubin ka noqdo Midowga Yurub.

Golaha Midowga Yurub ayaa rasmiyan ku taliyay in muwaadiniinta Turkiga loo ogolaado in fiisa ama dal-ku-gal la’aan ay galaan inta badan waddamada xubinta ka ah midowga Yurub.

Arrintaasi ayaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo heshiis midowga Yuurb uu horey ula galay Turkiga oo ku saabsan muhaajiriinta.

Guddoomiye ku xigeenka golahani, Frans Timmermans, ayaa sheegay in Turkigu uu ku khasban yahay in uu shuruudo muhiim ah ka soo baxa, balse uu ku socda waddo wanaagsan oo arrintaasi horseedeysa.

Isbadalkaasi dhanka dal-ku-galka muwaadiniinta Turkiga ayaa la dhaqan gelin doonaa bisha Luuliyo ee sanadkan, balse waxa ay arrintaasi u baahan tahay in uu ansixiyo baarlamaanka reer Yurub iyo in inta badan waddamada reer Yurub ay arrintaasi isla ogolaadaan.

Heshiiska ayaa dhigaya in Turkiga uu la wareego muhaajiriinta Giriigga uga soo tallaabay dhanka badda Aegean-ka.

Golahani ayaa sidoo kale isbadal ku sameeyay nidaamka magangelyo siinta Yurub si loo yareeyo dhibaatada Giriigga iyo Talyaaniga ka haysata qulqulka muhaajiriinta.