Shirka nabadaynta Yaman oo dib u furmaya

Image caption Colaadda Yaman ayaa waxaa ku barakacay kummanaan qof oo rayid ah.

Wadahadallada nabadda dalka ee Yaman ee Qaramada Midoobey ay garwadeenka ka tahay ayaa lagu wadaa maanta oo arbaco ah in mar kale ay ka billowdaan dalka Kuweyd.

Dowladda Yaman ayaa axaddii la soo dhaafay hakisay wadahadalladani kaddib markii fallaagada Xuutiyiinta ay qabsadeen saldhig milatari oo ku yaala woqooyiga magaala madaxda dalkaasi ee Sanca.

Dhowr askari ayaa lagu dilay weerarkaasi.

Xabbad joojin ayaa dalkaasi Yaman ka billaabatay bishii la soo dhaafay kaddib markii dagaal uu halkaasi muddo sanad ah ku dhex marayay fallaagada Xuutiyiinta oo gacan ka helaya Iraan iyo xoogag daacad u ah dowladda oo taageera ka helayay xulufada ay Sucuudiga hoggaamiso.

Dhanka kale, guddi ka tirsan baarlamanka dalka Britain ayaa ku baaqay baaritaan madax bannaan oo lagu sameeyo suurtagalnimada in hubka Britain lagu waxyeeleynayo dadka shacabka ah ee reer Yaman, arrintaasi oo ay sheegeen in ay xadgudub ku tahay qaynuunka caalamiga ah.

Guddiga horumarinta caalamiga ee Britain ayaa soo jeediyay in la hakiyo hubka laga iibiyo Sacuudiga.