Seddax ku dhaawacantay suuqa Bakaaraha

Bam gacmeed, ayaa lagu tuuray askar ka tirsan ciidamada dawladda suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Labo askari iyo qof rayid ah, ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi sida ay BBC-da u sheegeen dad goob joogayaal ahaa. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Dhinaca kale Al-Shabaab, ayaa xalay weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere oo saldhig u ah ciidamada Itoobiya iyo guri uu daganyahay sarkaal ka tirsan maamulka magaalada Baardheere. Lama oga inta uu la egyahay khasaaraha weeraradaasi ka dhashay.