Canada: Dabka oo labo laabmi doono

Lahaanshaha sawirka

Madaxda Canada, ayaa sheegay in dabka ka kacay agagaarka magaalada saliidda ee MacMurray uu labo laabmi doono 24ka saac ee soo socda.

Dabka, ayaa haatan ku baahay in ka badan boqol kun oo hektar. Waxaana sii hurinaya dabeylo iyo dhirta qallalan.

Dabka oo haatan ka wareegay magaalada McMurray ayey badi dadka deegaanka si nabad ah kaga baxeen. In ka badan rubuc wax soo saarka saliidda Canada ayey dabkan hakiyeen. Labo goobood oo kuwa saliidda ah ayey si toos ah qatar ugu yihiin dabka iyadoo warshadahooduna ay dhimeen wax soo saarka.