Leicester oo la gudoonsiiyay horyaalka

Kooxda Leicester City ayaa la gudoonsiiyay koobka horyaalka Ingiriiska, ka dib markii ay dhammaatay ciyaartii garoonkeeda King Power ka dhacday ee ay 3-1 kaga adkaatay kooxda Everton.

Waa koobkii ugu horreeyay ee noocan ah oo ay Leicester qaado 132 sano ee ay kooxdaasi jirtay.

Sanadkii hore xilligan oo kale, kooxdan ayaa u dagaallameysay sidii ay uga sii mid ahaan lahayd kooxaha ku haraya horyaalka, waxaana guusheeda horyaalka ay noqotay mid ka yaabisay taageerayaasha kubadda cagta.

"Waxa ay ahayd arrin la yaab leh. Waxaan isku dayay inaan is adkeeyo oo aan la iga dareemin qiiro, maadaama ay maalin weyn noo tahay." ayuu yiri Claudio Ranieri, tababaraha kooxda Leicester.

Taageerayaasha kooxda ayaa qiireysnaa, waxaana ay siteen boorar ay ku ammaanayaan kooxda, tababaraheeda, waxaana ka mid ahaa mid ay ku qoreen "billad aan muteysanay, balse aan iibsan."

Leicester City ayaa xilli ciyaareedka soo socda ka qeyb geli doonta horyaalka Yurub ee loo yaqaano Champions League-ga.