Sideed booliis oo Qaahira lagu toogtay

Madaxda Masar, ayaa sheegay in sideed nin oo boolis ahaa toogasho loogu dilay dibadda magaalada Qaahira.

Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegtay in rag hubeysan oo aan la garaneyn ay xabado ku fureen bas yar oo boolisku lahaayeen degmada Helwan oo ku taal koonfurta magaalada xarunta.

Dhadhaqaaqa mucaaradka ee taageera kooxda Akhwaanu-Muslimiin, ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen weerarka. Waxay sheegeen in ay ku xusayeen taageerayaashi madaxweynihii talada laga tuuray Muxamed Morsi, kuwaasi oo lagu dilay dibadbaxii 2013kii.