Macallin argagixiso looga shakiyay

Lahaanshaha sawirka SPL

Macallin cilmiga dhaqaalaha oo Talyaaniga u dhashay, ayaa sharaxay sababta keentay in duulimaadkiisu dib u dhaco kaddib markii haweeney dhinaciisa fadhiday ay mooday xeer xisaab uu ka shaqeynayay in ay cadeyn u tahay in uu argagixiso yahay.

Guido Menzio oo timo galoolan oo madow leh, ayaa duulimaad gudaha Mareykanka kaga dhoofayay Philadelphia. Wuxuu sheegay in haweeneyda ay walwalsaneyd una gudbisay qoraal shaqaalaha diyaaradda.

Professor Menzio, ayey kaddib si buuxda su'aalo u weydiiyeen duuliyaha iyo sarkaal kale. Wuxuuna kaddib sheegay in habka ammaanka diyaaraddu yahay mid xun oo ku tiirsan waxa ay sheegaan dad aan waxba la socon.