Loolan ka taagan kaalinta 4-aad ee horyaalka Ingiriiska

Fursadda ay kooxda Manchester City ugu soo baxayso horyaalka Yurub ee xilli ciyaareedka soo socda ayaa dhaawac soo gaaray, ka dib markii ay xalay barbaro 2-2 ah la gashay kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa u baahan in ay barbaro la gasho kooxda Aston Villa si ay u xaqiijiso in ay ka mid noqoto kooxaha Ingiriiska ee xilli ciyaareedka soo socda ka qeyb galaya horyaalka Yurub.

Lahaanshaha sawirka

Waxaa Arsenal kulankaasi uga dhaawacmay weeraryahankeeda Danny Welbeck, kaasoo aan la hubin inuu dalkiisa Ingiriiska uga qeyb qaadan doonto horyaalka dalalka Yurub.

Weeraryahankan 25 jirka ah ayaa ka dhaawacmay jilibka, waxaana xusid mudan inuu bishii Febraayo kasoo laabtay dhaawac uu 10 bilood ku maqnaa.

Manchester United ayaa kaalinta afaraad ka qaadan karto Man City, waa haddii ay kooxdaasi ka guuleysato West Ham United kulanka ay la yeelan doonto habeen dambe.

Guuldaradii 2-1 ahayd ee Tottenham ay shalay kala kulantay Southampton ayaa ka dhigan in kooxdaasi aanay haysan damaanad qaad ah in ay ku dhamaysan doonto kaalinta labaad ee horyaalka Ingiriiska.

Lahaanshaha sawirka PA

Kooxda Liverpool-na waxa ay xalay 2-0 kaga adkaatay Watford, goolashaasi oo ay u kala dhaliyeen Allen iyo Roberto Firmino.