Kuuriyada Waqooyi oo wariyeyaal BBC soo eriday

Lahaanshaha sawirka
Image caption Rupert Wingfield-Hayes

Weriyaha BBC Rupert Wingfield-Hayes iyo koox la shaqaynaysay ayaa laga soo eryay Kuuriyada Waqooyi kaddib markii loo xiray in ay halkaas ka soo waramayeen awgeed.

Weriyaha soo saarihiisa Maria Byrne iyo kaameeraystahoodii Matthew Goddard ayay saraakiil celiyeen iyaga oo ka soo bixi lahaa Kuuriyada Waqooyi.

Waxaa su’aalo la waydiinayay sideed saac waxaana laga saxiixay warbixin.

Saddex doodaba waxaa la qabtay laakiin waxaa loo qaaday garoonka diyaaradaha.

Kooxdan BBC-da waxay halkaas tageen ka hor shir waynaha xisbiga shaqaalaha, waxaana la socday wafdi ku guulaystay abaal marinta Nobel-ka.

Hogaanka Kuuriyada Waqooyi waxaan raali galinin warbixinta ka hadlaysay nolosha caasimadda oo laga diyaariyay.