Pyongyang oo lagu soo gabagabeeyay shirka xisbiga talada haya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Shirkan ayaa ahaa kii ugu horreeyay muddo 36 sano ah.

Kuuriyada waqooyi ayaa gaadda-ka-cayaar ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Pyongyang ku xustay dhamaadka afar maalmood oo uu socday shirweyne uu lahaa xisbiga talada haya.

Hoggaamiyaha waddankaas ayaa dusha ka eegayey xafladdaasi, ayadoo boqollaal kun oo qof ay socod ku mareen fagaaraha ku yaala bartamaha magaalada caasimadda ah, kuwaasoo lulayey ubaxyo midabkoodu basali yahay oo warqado laga sameeyey, buufinno midabbo kala duwan leh, iyo calanka cas ee xisbiga.

Doomaha buufinka ka sameysan ayaa sabbeynayay ayagoo siday kaartoonno loo ekeysiiyey gantaallo iyo aaladaha laga gano dayax gacmeedyada.

Shirweynaha ayaa Mr kim u doortay guddoomiyenimada xisbiga shaqaalaha.