Fort McMurray badankeedu dabkii way ka badbaaday

Lahaanshaha sawirka
Image caption dabka ka kacay canada

Gudoomiyaha gobolka Alberta ee dalk Canada, Rachel Notley, ayaa sheegtay in Ibitaallada iyo dugsiyada badankoodu ka bed qabaan dabkii waynaa ee dhawaan qabsaday magaalada Fort McMurray, laakiin ay gubteen 2,400 oo dhisme oo ka mid ah 25,000 ee dhisme ee magaaladu ka koobnayd.

“mucjiso ayay ahayd inaan ku guulaysano in aad dhamaan bulshadii ku dhaqnayd magaalada ka wada daad gurayno iyagoo bed qaba” ayay tiri iyadoo la hadlaysay weriyeyaasha.

In ka badan 80,000 oo qof ayaa todobaadkii hore laga daad gureeyay magaalada.

Qofna kuma dhiman dabka qabsaday magaalada, laakiin labo qof oo keli ah yaa ku dhintay shil gaadhi oo dhacay markii dadku ka qaxayeen magaalada.

Saraakiishu waxay sheegayaan in ay ku rajo wayn yihiin in dadku magaalada dib ugu soo noqon doonaan mudo laba todobaad ah gudahood.

Xukuumadda gobolka ayaa ku dhawaaqday in xaalad deg deg ah la galay isla markaana ku yaboohday 100 milyan oo doolar, Canada ah oo u dhiganta 77 milyan oo doolar ka Maraykanka ah.