Daacish oo sheegatay Qaraxii Baqdaad

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Sawir hore, qarax ka dhacay xaafadda Sadr ee magaalada Baqdaad

Gaari lagu soo rakibay walxaha qarxa ayaa suuq ay dad badan ku sugnaayeen oo ku yaal bariga Baqdaad ku dilay ugu yaraan 64 qof, saraakiisha ayaa sidaa sheegay.

Weerrarkan oo ah midkii ugu xumaa ee dhawaantan ka dhaca caasimadda ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 87 qof.

Weerrarka ayaa xilliga ay dadku shaqa tagaa ka dhacay xaafadda Shiicada ee Sadr ee magaalada.

Kooxda isuyeerta Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegatay inay weerrarkaasi qaadday.

Kooxdu waxa ay si joogta ah u bartilmaameedsataa deegaanada Shiicada.

Kooxdan Sunniga ah ee maamusha dhul ballaaran oo koonfurta iyo galbeedka Ciraaq ah ayaa Muslimiinta Shiicada u arka inay yihiin mulxidiin ama gaalaba.

Dhowr qof oo dhaawacmay ayaa la sheegayaa in ay xaalad halis ah.

Qaraxa ayaa waxa uu waxyeeleeyay dhismooyinka iyo gawaaridii halkaa ka ag dhawaa sida ay saraakiishu sheegayaan.

Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa si joogta ah u bartilmaameedsata goobaha ganacsiga.

Bishii Febraayo, ugu yaraan 70 qof ayaa lagu dilay laba qarax oo mataana ah oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaal xaafadda Sadr, weerrarkaas oo noqday kii ugu xumaa ee Baqdaad ka dhaca muddo bilooyin ah.

Ciidammada Ciraaq ayaa la wareegay deegaano ay horay u haysan jirtay kooxda IS.

Hasayeeshee kooxdu waxa ay sii waddaa in guud ahaan dalka ay ka gaysato weerraro ismiidaamin ah oo ay dad badan ku dhintaan.