Mustaqbalka Rousseff oo go’aan laga gaarayo

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Madaxweynaha Brazil, Dilma Rousseff

Madaxweynaha Brazil, Dilma Rousseff, ayaa waxa ay bilaabaysaa maalin noqon karta maalintii ugu dambaysay ee ay xafiiska maamusho, xilli wakiilada aqalka odayaasha ay isu diyaarinayaan in ay u codeeyaan in la guda galo dhageysiga xil ka qaadisteeda iyo inkale.

Haddii aqlabiyadda aqalka odayaasha ay u codeeyaan sida la filayo in la guda galo doodda dacwad ka qaadista, ayaa Ms Rousseff, durbadiiba waxaa laga joojin doonaa shaqada, iyadoo madaxweyne un aheyd wax ka yar kala bar xilliga xilka loo doortay.

Madaxweyne Dilma Rousseff, ayaa waydiisatay Maxkamadda Sare in ay hor istaagto sii socoshada doodda xil ka qaadista ka dhanka ah, taasi oo ah iskudaygii ugu dambeeyay ee ay ku joojinayso arrintaasi ka hor saacado un marka ay wakiilada aqalka odayaasha arrintan u codaynayaan.

Qareenada Ms Rousseff ayaa ka cawday wax isdabamarin iyo dhinac u xaglin, iyadoo isku dayyo noocaasi ah ay maxkamaddu diidday.

Xilli sii horreeyayna taageerayaasheeda ayaa xiray waddooyin iyagoo jidgooyooyin sameeyay.

Jidgooyooyinka ayaa waxa ay carqaladeeyeen isku socodka dhammaan gobollada Brazil.