Isbeddelka Sicirka Shidaalka ee Nayjeeriya

Image caption Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in ay dhimeyso lacagaha ay ku kabto saliidda dalkaasi.

Ururka ugu weyn ee shaqaalaha Nayjeeriya ayaa sheegay inay ka hor imaan doonaan go'aanka ay xukuumaddu sida aadka ah ugu jarayso lacagta ay ku kabto shidaalka, kaasoo keeni kara in qiimaha shidaalku uu laba jibaarmo.

Ururka shaqaalaha ee Nigeria Labour Congress ayaa qorshaha ku tilmaamay mid aan loo qiil-samayn karin oo dambiilenimo ah.

Isku day la doonayey in lagu jaro lacagaha shidaalka lagu kabo ayaa 2012kii meel la iska dhigay ka dib markii rabshado xoog leh iyo banaanbaxyo ay dhaceen.

Xukuumaddu waxay ku dhawaaqday Arbacadii qiime cusub oo shidaalka loo gooyey, kaasoo micnihiisu yahay in dadka reer Nayjeeriya ay siisan doonaan ku dhawaad hal doollar litirkii batrool ah.