Uganda oo la xannibay baraha bulshada

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ammaanka Kampala ayaa aad loo adkeeyay iyadoo khamiistan la caleema-saari doono Museveni.

Shirkadaha internet-ka bixiya ee Uganda ayey xukuumaddu ku amartay inay xiraan galidda baraha bulshada, maalin uun ka hor inta aan mar kale xilka loo dhaarinin madaxweyne Museveni.

Talaabadan ayaa timid ayadoo madax qaaradda Afrika ka socota ay imaanayaan dalka, ka hor caleema-saarka madaxweyne Museveni ee maanta oo Khamiista ah dhacaysa.

Baraha bulshada ayaa horey Uganda looga xannibay intii ay socotay doorashadii dhacday February.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kizza Besigye, oo sheegta in uu doorashada ku guulaystay, ayaa gelinkii hore ee Arbacada lagu xiray Kampala.

Xaflad uu isku caleemo saaray ayuu qabtay, taasoo ku dhex wareegaysay baraha bulshada.