Khilaafka Iran iyo Sacuudiga

Dowladda Iran, ayaa sheegtay in ay ku guuldareysatay heshiis ay Sacuudiga bisha September ugu diri laheyd xujey wadankeeda ah.

Iran, ayaa Sacuudiga ku eedeysay in ay wadaxaajoodyada ku sameynayaan wax ay ku tilmaantay kaalin wax burburineysa.

Muran xooggan, ayaa ka dhex jiray labada dal ee gobolka isaga horjeeda. Xajkii la soo dhaafay ayey in ka badan afar boqol iyo lixdan Iraniyiin ahaa ku dhinteen isbuurasho.

Labada dal, ayuu xiriirkoodu kala go'ay kaddib muran ka dhashay daldalaadii Nimr Al-Nimr oo ahaa wadaad Muslimiinta Shiicada.