Gabar noqotay xoghayaha guud ee FIFA

Fatma Samba Diouf Samoura, ayaa loo magacaabay xoghayaha guud ee FIFA.

Guddiga kubadda cagta FIFA, ayaa u magacaabay Fatma Samba Diouf Samoura oo u dhalatay dalka Senegal inay noqotay xoghayaha guud ee ururkaas.

Ms Samoura oo muddo 21 sano Qaramada Midoobay ka soo shaqeysay, waxay hadda aheyd isku xiraha arrimaha bani'aadamnimada iyo wakiilka UNDP u jooga Nigeria.

Magacaabisteeda ayuu madaxweynaha FIFA Gianni Infantino kaga dhawaaqay kulanka 66aad ee FIFA, kaasi oo lagu qabtay Mexico City.

Sida qeynuunka FIFA yahay, waxaa la hubin doonaa sida ay ugu haboon tahay xilkaasi oo ay sameynayaan guddi madax banaan.

MS Samoura, ayaa howsheeda bilaabi doonta bartamaha June. Madaxweyne Infantino, ayaa ammaanay qibradeeda shaqo, isagoo sheegay in qibradeedu ay wax ku kordhindoonta kooxda hoggaanka FIFA.

Ms. Samoura, ayaa shahaadada Masterka ku qaadatay luuqadaha Ingiriiska iyo Spanishka jaamacadda Lyon iyo xiriirka caalamiga iyo kan ganacsiga waxay ka qaadatay machadka IECS