Rwanda oo lagu eedeeyay taageeridda fallaagada Burundi

Image caption Rwanda waxaa ku sugan qaxooti badan oo reer Burundi ah.

Warbixin sir ah oo loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Rwanda ku eedeysay in ay sii waddo taageerada ay u fidinayso fallaagada dalka Burundi ee doonaya in ay xilka ka tuuraan madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Warbixintaasi ayaa lagu sheegay in Rwanda aysan wali joojin tababaridda, dhaqaala siinta iyo taageerada kael ee fallaagada Burundi.

Guddiga cuna-qabataynta ee golahani Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa warbixintaasi falan-qeyn doono maanta oo jimco ah.

Rwanda waxa ay beenisay eedeymahaasi sheegaya in ay faraha kula jirta arrimaha siyaasadda dalka deriska ah ee Burundi.

Madaxweyne Nkurunziza ayaa mar saddexaad xilkaasi loo soo doortay bishii July ee saandkii tegay balse go’aankiisa ahaa in uu xilkaasi u tartamo ayaa waxaa ka dhashay rabshado dalkaasi ka socday muddo bilo ah.