Ciidanka Suuriya oo gargaar is hor taagay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada ayaa markii hore ogolaansho bixiyay balse markii dambe diiday in gargaarka uu gaaro Daraya.

Ciidanka xukuumadda Suuriya ayaa kolonyo gargaar caalami ah wadday ka hor istaagay inay aadaan Daraya oo ku taalla duleedka Dimishiq.

Wuxuu noqon lahaa gargaarkii ugu horreeyey ee la geeyo Daraya muddo seddex sano iyo bar ah.

Xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qabilsan isku xirka arrimaha bani'aadminimada ee Suuriya Jan Egeland ayaa sheegay in milaterigu ay hor istaageen kolonyada bacdamaa ay wadeen caanaha carruurta, inkastoo goor sii horraysay ogolaansho la siiyey.

Laanqayrta cas ee caalamiga ayaa BBC u sheegtay in dadka ku nool Daraya aysan sanooyin helin biyo iyo koronto.