Barcelona oo qaaday horyaalka La Liga

Lahaanshaha sawirka Getty

Kooxda Barcelona ayaa qaaday horyaalka La Liga ee Spain, ka dib markii ay 3-0 kaga adkaatay Granada, saddexdaasi gool oo uu u wada dhaliyay laacibkeeda Luis Suarez.

Guushaasi ay gaartay Barca ayaa u xaqiijisay in ay horyaalka qaado, waxaana ay dhibic keliya ka hormartay Real Madrid, oo horyaalka hanan lahayd haddii Barcelona laga adkaan lahaa, iyaduna badin lahayd.

Real ayaa dhankeeda 2-0 kaga badisay Deportivo La Coruna.

Kooxdan oo ka dhisan gobolka Catalonia, ayaa horyaalka La Liga ku guuleysatay 8 jeer tan iyo markii ay kusoo biireen laacibiinta kala ah Messi iyo Iniesta.

Lahaanshaha sawirka Getty

Tababaraha kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane, ayaa sheegay in Barcelona ay u qalanto qaadida horyaalka Spain.

Labada kooxood ee Real iyo Barca ayaa hadda u ballansan kulamo fiinaal ah.

Barcelona ayaa 22-ka bishan kooxda Sevilla la dheeli doonta fiinaalka koobka Spain ee loo yaqaano Copa del Rey.

Lahaanshaha sawirka Getty

Real-na waxa ay 28-ka bishan wada dheeli doonaan fiinaalka horyaalka Yurub, kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Atletico Madrid.