UNta oo ka walaacsan xiriirka Boko Xaraam iyo IS

Image caption Dagaalyahano ka tirsan Boko Xaraam

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay xiriirka sii kordhaya ee ka dhaxeeya maleeshiyaadka Boko Xaraam iyo kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka, xilli Nigeria ay maanta martigalinayso shir ku saabsan sida loola dagaalami karo xagjirnimada.

Bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in Boko Xaraam ay sii waddo waxyeelaynta nabadda iyo deganaanshaha Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.

Kooxda hubeysan ee Nigeria ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday inay daacad u tahay kooxda IS, waxaana lagu soo warramayaa in ay Liibiya u dirto dagaalyahanno ku biira kooxdaasi.

Hasayeeshee heerka xiriirka ka dhaxeeya labada kooxood ayaanan la ogeyn.

Image caption Madaxda ka qeybgalaysa shirka Nigeria

Shirka ka dhacaya Nigeria ayaa waxaa ka qeybgalaya hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika iyo sidoo kale Madaxweynaha Faransiiska Hollande.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Philip Hammond, ayaa isna ka mid ah madaxda shirka ka qeybgalaysa.