Iraq: Warshad Shidaal ayaa la qarxiyay

Image caption sawir qarax oo hore

Weerar is qarxin oo lala bartilmaameed saday warshad shidaal oo magaalada Baqdaad u dhaw ayay sababay 11 dhimasho ah dhaawacayna tiro kale oo badan sida ay sheegeensaraakiil.

Amin hore oo Axadii ah ayuu gaarii ku qarxay albaabka laga galo warshadaasi oo ku taala deegaanka Taji.

Lix ruux oo walxaha qarxa xiran ayaa galay warshadda halkaas oo ay isku dhaceen laamaha ammaanka.

Saraakiishu waxay ku eedeeyeen weerarka kooxda isu magacawda Dawladda Islaamka, kuwaas oo haysta qaybo ka mid ah galbeedka iyo waqooyiga Ciraaq.