Yemen: 25 qarax ku dhimatay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption mukalla, al Qaacida ayaa laga qabsaday

Masuuliyiinta dalka Yemen ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan iyo shan ruux oo booliis loo qaadanayay ay ku dhinteen qarax bambaano loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada koonfurta ku taala ee Mukalla.

Kooxda isku magacawda dawladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Qaraxa ayaa lala bartilmaameedsaday dadka booliiska loo qoranayay oo ku safnaa saldig booliis.

Ciidammada dawladda Yemen ayaa magaalada Mukalla ka qabsaday ururka Al-Qaacidda sanadkii hore.