Dagaal ka dhacay Isbitaal ku yaala Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Muuqaalka magaalad Deir al-Zour

Malayshiyo ka tirsan ururka isku magacaaba dawladda Islaamka ayaa si kooban ula wareegay dhisme Isbitaal oo ku yaala magaalada Deir al-Zour sida ay wararku sheegayaan.

Qolyaha xuquuqda aadanaha u ol’oleeya ayaa sheegay in la dilay 35 dagaalyahan oo dawladda taageersan isla markaasna la afduubtay qaar ka mid ah

shaqaalihii Isbitaalka. Sidoo kale waxaa la sheegay in la dilay in kabadan 20 ka mid ah Dawladda Islaamka.

Dagaalka ayaa ku wajahnaa Isbitaalka Al Assad oo ku yaala galbeedka magaalada.

Xoogaga dawladda ayaa dib ula wareegau Isbitaalka saacdo uu dagaalku socday kaddib sida ay wararku sheegayaan, laakiin ma cada waxa uu ku dambeeyay Isbitaalkaasi.

Tafatiraha arrimaha Carabta ee BBC, Sebastian Usher ayaa sheegaya in tani ay ka dhigantahay in iyada oo Dawladda Islaamku ay jugsoo gaartay hadana ay wali halis galin karaan dawladda.