Xildhibaanada Turkiga oo sharci cusub ka doodaya

Lahaanshaha sawirka Getty

Xubnaha baarlamaanka ee dalka Turkiga ayaa maanta ka doodi doona hindise sharciyeed xasaanadda in aan la maxkamadayn karin ah lagaga qaadayo qaar ka mid ah baarlamaanka, si dacwad loogu soo oogi karo haddii loo baahdo.

Xubnaha baarlamaanka ee taageersan mucaaradka Kurdiyiinta ayaa sheegay in tallaabadan ay dawladdu dabada kariixayso looga golleeyahay in iyaga lagu bartilmaameed sado laguna caburiyo mucaaradka.

Xisbiga talada haya ee AK, ee madaxwayne Rajab Dayib Erdogan ayaa u baahan taageerada xisbiyada kale si uu u helo saddex melood labada looga baahan yahay, si sharcigani u dhaqan galo.

Arrintani waxay timid iyada oo laamaha ammaanka ee Turkigu ay ku guda jiraan dagaal soo cusboonaaday oo ay kula jiraan malayshiyaadka Kurdida ah ee PKK.