Kizza Besigye oo maxkamad la soo taagay

Image caption Dhowr jeer oo hore ayaa Besigye xabsiga la dhigay tan iyo billowgii ololahii doorashadii dhacday bishii Febraayo.

Hoggaamiyaha Mucaardka ee dalka Uganda Kizza Besigye ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taala magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi.

Besigye loo haysta khiyaano qaran ayaa xabsiga rumaan ku sii ahaan doono tan iyo kowda bisha soo socota ee June.

Besigye ayaa ku doodaya in uu isaga uu yahay musharixii ku guuleystay doorashadii dhacday bishii Febraayo, waxaana xabsiga la dhigay kaddib markii uu qabtay xaflad aan rasmi ahayn oo uu isku caleema saaraya.

Dhageysiga dacwadda Besigye ayaa dhacday ka hor sagaalka aroornimo oo ah xilli xitaa maxkamada dalkaasi ay caadiyan xiran yihiin.

Taageerayaashiisa ayaa sheegaya in arrintaasi ay ka dhigan tahay in si qarsoodi ah loo maxkamadeynayo oo la dhibaateynayo.

Ilaa iyo haatan dowladda Uganda kama aysan hadlin sababta dacwaddiisa maxkamadda loo horgeeyay ka hor xilligii rasmiyan maxkamadaha dalkaasi la furi jiray.