Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cudur looga shakiyay kaduudiye oo Beled Xaawo saameeyay

Cudur looga shakisan yahay inuu yahay kaduudiye ayaa lagu soo warramayaa in uu faro ba'an ku hayo dadka ku nool degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Hawlwadeenada caafimaadka ee degmadaasi ayaa waxa ay sheegayaan in xanuunkaasi uu soo ritay dad aad u badan.

Ugu yaraan labo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay u geeriyoodeen cudurkaasi, laakiinse ay jiraan dad badan oo weli la jiifa.

Dr. Cabdullahi Yussuf Farax wuxuu ka mid yahay dhakhaatiirta ka hawlgasha degmada Beled Xaawo, Xasan Geele ayuu uga warramay waxa uu xanuunkan yahay.