Magaalada Sirte oo la sheegay in tacaddiyo ba'an ka dheceen

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Libya ayaa waxaa in muddo ahba ka jiray dowlado is diidan iyo kooxo islaamiyiin ah oo iska soo horjeeda.

Hay’adda xaquuqul insaanka ee The Human Rights Watch ayaa sheegeysa in ay diiwaan gelisay tacaddiyo ay ka mid yihiin dilal sharci darro ah oo kooxda Khilaafada Islaamka ay ka geysatay magaalada dekadda ah ee Sirte ee dalka Libiya.

Warbixintan ay soo saartay hay’addani oo fadhigeedu yahay magaalada New York ayaa lagu sheegay in dad ka soo cararay magaaladaasi ay xaaladda magaaladaasi ku tilmaameen goob argagax ka jiro.

Sida lagu sheegay warbixintani, dhibaatada ayaa soo billaabatay bishii Febraayo ee sanadkii 2015, xilligaasi oo la gowracay dad lagu eedeeyay in ay yihiin jawaasiis.

Waxa ay sidoo kale xuseen dhacdooyin ay ku sheegeen karbaash iyo in dadka dilayay qaabka istilaabka masiixiga.

Mareykanka iyo waddamo kale oo reer galbeed ah ayaa dhawaan sheegay in ay hubeynayaan dowladda dhawaan la yagleelay si ay ula dagaalanto kooxda khilaafada islaamka.