Mid ka mid ah gabdhihii Chibok oo la helay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Nigeria waxaa muddo ka socday dibadbaxyo lagu doonaya in gabdhahaasi lagu soo furto.

Wararka ka imaanaya woqooyi bari Nigeria ayaa sheegaya in la soo badbaadiyay mid ka mid ah gabdho laga afduubtay deegaanka Chibok muddo haatan laga joogo labo sano.

Gabadhani oo lagu magacaabo Aamina Cali Nkeki ayaa laga helay keynta Sambisa oo ah meel maleeshiyaadka Boko Xaraam ay ku xooggan yihiin.

Aamina ayaa ka mid ahayd 219 gabdhood oo muddo labo sano ah maqnaa kaddib markii laga qafaashay iskuul ku yaala deegaanka Chibok.

Ilaa iyo haatanna laga oga xaaladda ay ku sugan yihiin 218-kii gabdhood ee kale.

Gabadhani ayaa waxaa soo badbaadiyay koox maxali ah oo amniga qaabilsan oo dagaal la galashay mintidiin lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Boko Xaraam.

Qof ka soo jeeda tuulo lagu magacaabo Mbalal oo ku taala koonfurta gobolka Borno oo ah halka ay gabadhaasi ka soo jeedda ayaa BBC-da u sheegay in gabadhani la soo badbaadiyay iyada oo sidata ilmo yar.

Hooyada dhashay gabadhani ayaa loo geeyay Aamina, si ay u xaqiijiso in ay iyada tahay iyo in kale ka hor inta aanan la gayn xero milatari oo ku taala magaalada Dambuwa.

Milatariga ayaan wali wax war ah ka soo saarin arrintani basle waxaa la filayaa in gabadhani si deg deg ah loo gayn doono magaalada Maiduguri oo ah magaala madaxda gobolka Borno.