Sevilla oo qaaday koobka Europa League

Kooxda Sevilla ee ka dhisan dalka Spain ayaa sanadkii saddexaad oo xiriir ah ku guuleysatay koobka Europa League, ka dib markii ay xalay 3-1 kaga badisay Liverpool.

Kooxda Ingiriiska ka dhisan ayaa goolka ku hormartay, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay weeraryahankeeda Daniel Sturridge.

Balse Sevilla ayaa goolka barbaraha la timid durbadiiba marka la isu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta, waxaana u dhaliyay Kevin Gameiro.

Sevilla ayaan intaa ku joogsan oo waxa ay sare u qaaday weerarkeeda, daqiiqadii 64-aad ee ciyaartana waxaa goolka labaad u dhaliyay Coke.

Difaaca Liverpool ayaa wixii intaa ka dambeeyay bilaabay inuu kala daato, waxaana daqiiqadii 70-aad goolka quusinta ah ka dhaliyay isla Coke.

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp, oo kooxda si weyn usoo kiciyay, waxbadana ka bedelayay qaab ciyaareedkeeda, ayaa filayay in koobkan uu ku guuleysto, si xilli ciyaareedka soo socdo uu uga dheelo horyaalka Yurub.

Klopp ayaa sheegay inuu mas'uul ka yahay guuldarada kooxdiisa soo gaartay, waxaana uu ballanqaaday in ay waxbadan ka baran doonaan, ayna niyadooda xoojin doonto