Somaliland oo 25 sano u dabbaaldegtay

Lahaanshaha sawirka BBC Atosh
Image caption Dabbaaldegyada waxaa lagu beegay 18-ka May

Somaliland ayaa maanta u dabaal-dagaysa 25 guuradii kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.

18-kii May 1991-dii, ayaa shirweynihii beelaha Somaliland ee ka socday magaalada Burco waxaa looga dhawaaqay gooni isu taaga.

Lahaanshaha sawirka BBC Atosh
Image caption Somaliland weli lama aqoonsanin balse waxay leedahay ciidan nidaamsan

Mas'uuliyiinta dowladda iyo dadweyne tira badan ayaa isugu soo baxay magaalada Hargeysa xuska maalintan.

Lahaanshaha sawirka BBC Atosh
Image caption Ganacsatada waratada ayaa si weyn u iibinaya astaamaha calanka Somaliland

Diyaar garowga munaasabadan ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn looga dareemayay deegaannada Somaliland.

In kasta oo Somaliland u suuragashay inay sameysato dowlad doorashooyinna qabato ayaa haddana waxaysan weli aqoonsi caalami ah.

Lahaanshaha sawirka BBC Atosh
Image caption Reer Somaliland ayaa dibedda u soo baxay si ay u dabbaaldegaan

Midowga Afrika iyo beesha caalamka ayaan iyagu diiday dalabyada lagu doonayay inay ku aqoonsadaan Somaliland.

Balse wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa sheegay in aanay marnaba ka quusan doonin dadaallada ay ku doonayaan in lagu aqoonsado.