Dadweynaha oo soo dhaweynaya qaxootiga

Lahaanshaha sawirka Muhammed Muheisen AP

Baaris cusub, ayaa muujineysa in muwaadiniinta dalal badan dadkoodu ay si weyn diyaar ugu yihiin soo dhaweynta qaxootiga si ka badan dowladahooda.

Kooxda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa wareysiyo ka sameysay 27 dal.

80 boqolkiiba dadkii ka jawaabay su'aalaha waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay soo dhaweeyana qaxooti, halka ku dhawaad seddax rubuc ay aaminsan yihiin in dadka ka baxsanaya dagaalada ama cadaadiska loo ogolaado in magangalyo ka helaan dalal kale.

Dadka Shiinaha, ayaa noqday kuwa ugu soo dhaweynta badan, halka Jarmalka iyo Britian ay ku xigeen. Ruushka ayaa ugu yar oo lix ka mid ah tobankii ruux ay sheegeen inaysan qaxooti soo dhaweynin.