France: Amarka degdegga oo la kordhiyay

Lahaanshaha sawirka EPA

Baarlamaanka Faransiiska, ayaa isku raacay in labo bil lagu kordhiyo amarka degdegga ee lagu dhawaaqay kaddib weeraradii Paris bishii November.

Tallaabadaasi, ayaa sii jiri doonta ilaa bisha June, waxyna saameyn doontaa labada tartan ee kala ah kan kubadda cagta ee Euro 2016 iyo kan baaskiilada ee Tour De France ee July.

Amarka degdegga, ayaa siinaya madaxda awoodo dheeri ah ay ku xakameeyaan isu soo baxyada iyo inay xabsi guri ku sameyn karaan dadka.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Bernard Cazeneuve, ayaa sheegay in qatarta argagixisada ay weli sareyso, Faransiiskuna uu sida Midowga Yurub oo kale bartilmaameed yahay.