Nabad ilaaliyayaal lagu dilay Mali

Lahaanshaha sawirka AP

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in shan ka mid ah nabad ilaaliyayaasheedu la dilay, iyadoo la dhaawacay seddax waqooyiga Mali.

Gaari siday nabad ilaaliyayaasha oo ka yimid Chad ayey miino la kacday, kaddibna ay rasaas ku fureen dabley aan la aqoon.

Gobolka Kidal oo weerarka ka dhacay, ayaa deegaan u ah kooxaha xagjiriinta iyo dhaq dhaqaaqayaasha gooni u goosatada.

Hadal ay soo saartay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay goobtaasi kula kulmeen tobaneeyo weerar sanadkan.

Ciidamada Faransiiska iyo kuwa Afrikanka, ayaa seddax sano ka hor farogliyay Mali si ay u joojiyaan in xagjiriinta ay horay ugu sii socdaan magaalada xarunta ee Bamako.