Pope-ka iyo muftiga Al-azhar oo kulmaya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Xarunta Vatican, ayaa lagaga dhawaaqay in madaxa kaniisadda kotoliga Pope Francis, uu la kulmi doono muftiga Al-azhar ee ah hey'adda ugu magaca iyo maamuuska weyn Sunniga.

Kulankan aan hore loo arag, waxaa lagu wadaa inuu isniinta socota ka dhaco Vatican-ka.

Al-azhar oo fadhigeedu yahay Qaahira, waxay xiriirkii iskaashi kala goosteen Vatican 2011, kadib markii Pope Benedict uu ku baaqay in la daryeelo kirishtaanka laga badan yahay, markii bomb lagu weeraray kaniisad ku taal Alexandria.

Arrinta sidii uu u dhex galay baadirigii berigaas madaxa ka ahaa kaniisadda Kotoliga, ayaa loo arkay fara galin arrimaha gudaha Masar ah, laakinse wixii ka dambeeyey intii uu madaxa kotoliga noqday, Pope Francis xiriirka 2-da dhinac waa soo hagaagayey.