Dhibaatada Burundi oo laga arrinsanayo

Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaxweyne Yuweri Museveni oo salaamaya wufuudda Burundi

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Caruusha ee dalka Tanzania ay ka bilowdaan wadahadallo looga gol leeyahay in lagu xalliyo dhibaatada siyaasadeed ee dalka Burundi.

Qalalaasaha ka taagan dalkan ku yaal bartamaha Afrika ayaa waxa uu galaaftay nolosha in ka badan 400 oo qof waxaana ku barakacay boqolaal kun oo qof oo kale.

Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in ay shirka ka qaybgalayso, halka qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka sidoo kale la filayo in ay iyaguna wadahadalada ka qeyb galaan, hase ahaate daladda ay ku midoobeen kooxaha mucaraadka ee loo soo gaabiyo CNARED aysan ka qeyb galayn.

Afhayeenka xisbigaasi, Pancrace Cimpaye, ayaa sheegay in aanay casuumaadba ka helin shirka.

Kooxda Xasaradaha Caalamiga ee ICG ayaa waxbitinteedii ugu dambaysay waxa ay ka digtay in xaaladda Burundi ay weli tahay mid halis ah.

Ilaa haddana in ka badan laba boqol iyo konton kun oo qof ayaa dalka isaga cararay.

Shirkan oo uu fududeeyay urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa waxaa dhexdhexaadiyo ka ah Madaxweynihii hore ee Tanzania, Benjamin Mkapa.

Rabshadaha siyaasadeed ee Burundi ayaa bilowday bishii Abriil ee sanadkii tagay markaasi oo Madaxweynaha dalka, Pierre Nkurunziza, uu go’aansaday inuu mar seddaxaad u tartamo xilka.