Wasiirka gaashaandhigga israa’iil oo iscasilay

Image caption Xiriirka u dhaxeeya Ya'alon iyo Netanyahu ayaa in dhawaaleba sii xumaanayay.

Wasiirka gaashaandhigga israa’iil, Moshe Ya'alon, ayaa shaaciyay in uu xilka ka degayo, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in ra’iisalwasaare Benjamin Netanyahu, uu doonaya in uu dowladdiisa isbahaysiga ah uu ku soo daro xisbi mayal adag.

Ya'alon ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu lumiyay kalsoonidii uu ku qabay ra’iisalwasaare Netanyahu, sidaa awgeedna uu ka fariisanaya siyaasadda.

Shalay oo khamiis ahayd ayaa wasiirkani oo la hadlaya hoggaamiyeyaasha ururada dhalinyarada ayaa waxa uu sheegay in Israa’iil ay lumisay damiirkii ay ku xukmin la hayd samaanta.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaysa in ra’iisalwasaare Netanyahu uu durbaba xilka wasiirkaasi uu siiyay siyaasiga ka tirsan garabka midig ee Avigdor Lieberman.