Rasaas laga maqlay meel u dhaw Aqalka Cad

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Aqalka Cad ee Mareykanka

Waxaa lagu soo warramayaa in meel ka baxsan Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka laga maqlay rasaas, sida ay sheegeen booliska dalkaasi.

Booliska ayaa u sheegay taleefishinka ABC News in mid ka mid ah ilaalada madaxtooyada uu nin hubaysan ku toogtay bar koontorool oo u dhaw dhismaha.

Rasaasta awdeedna Aqalka Cad albaabada ayaa loo laabay.

Madaxweyne Barack Obama ayaa ka maqan Aqalka Cad oo ciyaarta golf-ka loo yaqaan ayuu ku dheelayaa deegaanka Maryland.

Booliska ayaa sheegay in rasaastu ay ka dhacday galbeedka Aqalka Cad iyadoo xaaladda dhibanahana aanan la ogeyn sida ay tahay.