Baaritaanka burburka diyaaradda EgyptAir oo meel fiican maraya

Lahaanshaha sawirka Egyptian armed forces
Image caption Burburka diyaaradda EgyptAir ee Khamiistii dhacday

Baarayaasha Masaarida ayaa sheegay in ay xilli hore tahay in la gaaro go'aan kama dambeys ah oo ku saabsan xogta ay qiimaynayaan ee ku saabsan diyaaradda EgyptAir ee Khamiistii ku burburtay badda Maditerranean-ka, iyadoo halkaana ay ku dhinteen 66 qof ee diyaaraddaasi saarneyd.

Kooxaha baadigoobka ayaa weli iskudayaya in ay asteeyaan goobta ay ku dhaceen qalabka muhiimka ah ee diyaaradda iyo labada sanduuq ee madow.

Mas’uuliyiinta Masaarida ayaa baahiyay sawirradii ugu horreeyay ee diyaaraddii EgyptAir ee uu tirsigeedu ahaa A320 ee burburtay iyadoo u kala safraysa magaalooyinka Paris iyo Qaahira.

Sawirrada ayaa u muuqda in ay muujinayaan kuraas iyo jaakadaha badbaadada ee ay dadku xirtaan xilliga ay cilad ku timaado diyaaradaha, iyo waxyaabo kale oo caddeyn u ah diyaaradda Egypt Air.

Baarayaasha Masaarida ayaa ku doodaya in aanan laga hordhici karin natiijada ka soo bixi karta baaritaanada ay ku hayaan burburka la helay.

Baarayaashu waxa ay xaqiijiyeen in qiiq uu ka soo baxay qeyba kala duwan oo ka mid ah diyaaradda saddex daqiiqo ka hor inta aanay diyaaraddu hawada ka bixin, hasayeeshee sababta ay diyaaraddu u burburtay ayaanan weli la ogeyn.