Kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Codeynta hannaanka doorasho ee dalka ayaa la filayaa in ay dhacdo maalmaha soo socda.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la hakiyay kulan golaha baarlamaanka uu cod ugu qaadi lahaa hannaanka doorashada ee Soomaaliya ay ku tallaaba qaadeyso bisha August ee soo socota.

Kulankii maanta oo ay soo xaadireen 197 xildhibaan ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu u sheegay in dib loo dhigay codkii loo qaadi lahaa arrintaasi.

Waxa uu sheegay in wada tashiyo ay hadda Muqdisho leeyihiin madaxda madashii qaran ee bishii Abril ku heshiiyay qaabka doorasho ee dalka uu yeelanaya.

Guddiyo ka tirsan baarlamaanka ayaa wax ka badalay hannaankaasi, waxaase arrintaasi ka carooday maamul goboleedyada qaar.

Kulanka saxiixayaashii heshiiskii ka soo baxay kulankii madasha qaran ee bishii Abril ay hadda ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga arrinsanayaa talooyinka baarlamaanka iyo cabshooyin kale oo hannankii horey loogu heshiiyay laga muujiyay.

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay doorasho ka dhacda bisha August ee sandkan balse waxaa soo baxaya walaac laga qabo in doorashadaasi ay dib u dhacdo.