Al-Sisi oo ka hadlay burburkii diyaaradda EgyptAir

Lahaanshaha sawirka EGYPTIAN ARMED FORCES
Image caption Horey waxaa loo helay qaybo ka mid ah diyaaradda oo aad u gubtay.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-sisi ayaa sheegay in arrimo badan ay suurtagal yihiin mar ka eego xaaladda diyaaraddii dalkaasi ee Khamiistii burburtay.

Madaxweyne Sisi ayaa sheegay in baaritaanada lagu sameynaya sababta keentay in diyaaraddu ay burburto ay qaadan karaan muddo dheer, waxa uuna warbaahinta ugu baaqay in aysan baahin warar aan la hubin.

Diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa burbutay wax yar uun kaddib markii ay soo gashay hawada dalka Masar oo ay ku wajahnayd.

Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay dhammaan 66 qof ee diyaaradda saarnayd.

Shalay oo sabti ahady ayaa baarayaasha dalkaasi Masar waxa ay sheegeen in durbaba aysan go’aan ka gaari karin waxa sababay in diyaaraddu ay burburto.

Kooxaha baadigoobka ayaa wali raadinaya burburka diyaaradda inteeda badan iyo labada sanduuq ee madow ee duuba macluumaadka diyaaradda.