Alexander Van oo Madaxwayne ka noqday Austria

Lahaanshaha sawirka AFP

Alexander Van der Bellen oo ahaa murashax madaxbanaan ayaa ku guulaystay madaxweynenimada dalka Austria, isaga oo Norbert Hofer ka hor istaagay in uu noqdo madaxwaynihii koobaad ee xil qabta Midawga Yurub isaga oo ka socda xisbiyada midig fog.

Norbert Hofer oo ka tirsan xisbiga Freedom ayaa hogaamiyey Axaddii iyada oo la isku dhawyahay, laakiin codadkii boostada ee isniintii la tiriyay ayaa guusha siiyay Van der Bellen.

Van der ayaa ku ol'olaystay in uu taageersanyahay Midawga Yurub, waxaana taageeray xisbiga Green Party

Doorashada Austria ayaa ba naanka so dhigtay kala qaybsanaan qoto dheer oo ku saabsan jihada uu waddankaas qaadi doono.

Hofer oo isna ka tirsan xisbiga Freedom Party ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan tirada sii kordhaysa ee magangalyo doonka ah iyo aragtiyo ka soo horjeeda Midayga Yurub.

Ilaa 90,000 oo qof ayaa sannadkii hore Austria weydiistay magangalyo, taasoo la mid ah 1% tirada dadka waddankaas ku nool, xisbiga Freedom-na wuxuu ka soo horjeeday Muhaajiriintaas.