Giriigga oo ansixiyay isbaddelo dhaqaale

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ra'iisalwasaaraha Greece ayaa soo dhaweeyay isbaddellada la ansixiyay

Barlamaanka Giriiga ayaa ansixiyay isbedelo dhowr ah oo lagu sameeyay hanaanka dhaqaalaha kadib afar maalmood oo ay lahayeen dood kulul.

Dooddan waxay ku saabsanayd talaaboyiin dheerad ah oo lagu xallinayo dhaqaalaha sii xumaanaya.

Ra'iisalwasaaraha dalkaasi, Alexis Tsipras, ayaa sheegay in natiijada ay muujinayso in Giriigga uu ka dhabeeyay ballanqaadyada dhaqaalaha.

Isbaddeladan ayaa Giriigga u suuragelin doono inuu helo dhaqaale dheeri ah oo ka caawin doono dhaqaale dheeri ah.