Obama oo cunaqabatayn ka qaaday Vietnam

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mareykanka ayaa danaynaya xulafo uu ka samaysto dalalka badda Baasifik.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa ku dhawaaqay in dalkiisi uu si buuxda uga qaadayo cunaqabatayntii hubka dilaaga ah ka saarnayd dalka Vietnam oo ay mar cadaw ahaayeen.

Obama ayaa hadalkan ka sheegay booqasho uu ku tagay dalkaasi oo uu kula kulmay hogaamiyeyaasha shuuciga ah.

Booqashadana waxay ku soo aaday iyada oo uu soo hagagayay calaaqaadka u dhaxeeya labadaasi dal, iyada oo uu Maraykanku isku dayayo in uu xulafo ka samaysto dalalka kulaala badda baasifik.

Vietnam ayaa ku doodaysay in cunaqabataynta hubka laga qaado arrintaas oo soosaarnayd muddo aad u dheer.

Obama ayaa sheegay in booqashadiisani ay caddaynayso in labada labada dadba ay doonayaan xiriir intan ka sii dhaw.