Qaraxyo dad badan laayay oo ka dhacay Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad isugu soo aruuray meesha uu qaraxu ka dhacay

Ugu yaraan 65 ruux ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay xeebaha Suuriya ee ay dawladda Suuriya ku xoog badantahay, sida ay wararku sheegayaan.

Qaraxyadu waxay ka dhaceen magaalooyinka Tartus iyo Jableh.

Qaar badan oo ka mid ah qaraxyada waxaa gaystay dad is iayagu is qarxiyay sida ay sheegeen koox la socoto xaaladda Suuriya oo fadhigoodu yahay UK.

Warbaahinta Suuriya waxay sheegtay in meelaha la bartilmaameedsaday ay ka mid yihiin goobo basaska laga raaco.

Weeraro intaas la eg ayaa naadir ku ah goobahaas. illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weeraradaas.