Jannati, oo loo doortay hoggaamiyaha sare ee Iran

Lahaanshaha sawirka FARS

Ayatollah Ahmad Jannati, oo 89-jir ah, kana tirsan muxaafidka mayalka adag ee dalka Iran, ayaa loo doortay guddoomiyaha gollaha awooda badan ee khubarada dalkaasi.

Sheekhan weyn, ayaa ka mid ah tira mayal adag oo ku guuleysatay doorashadii dib uga dhacday bishii Febraayo dalkaasi.

Guddigan wadaadadda ah ayaa magacaabaya hoggaamiyaha sare ee dalkaasi, waxa ayna leeyihiin awood ay xilka uga qaadi karaan ayna ka tala siin karaan howlaha loo igmaday.

Codbixintii doorashadii bishii febraayo ka dhacday Iran, ayaa guul weyn waxa ka gaaray islaaxiyiinta iyo siyaasiyiinta dhexdhexaadka ah.